Waqtiga ay bilaabaneyso Doorashada Aqalka Sare ee Somaliland oo la shaaciyay

Guddiga hirgelinta doorashooyinka Somaliland ayaa soo saaray Jadwalka doorashada Xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee kasoo jeeda Gobolada Waqooyi ee Somaliland.

Qoraal kasoo baxay Guddiga ayaa waxaa lagu sheegay in diiwaan-gelinta Musharaxiinta Xildhibaanada Aqalka Sare ee Somaliland ayaa bilaabaneyso 23-ka bishaan oo berrito ku beegan, halka tababar loo furayo Ergada dooraneysa Xildhibaanada 26-ka September.

Guddiga ayaa Jadwalka ay soo saareen ku caddeeyay in Musharaxiinta Xildhibaanada ay khudbadahooda jeedin doonaan 27-ka Sep, waxaana Guddiga uu shaaciyay in doorashada Aqalka Sare ee Somaliland ay bilaabaneyso 28-ka bishaan, lana soo gaba-gabeynayo30-ka  September 2021.

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Mahdi Guuleed ayaa shalay Liiska Musharaxiinta Aqalka Sare ee Somaliland u gudbiyay Ra’iisul Wasaare Rooble.

Hoos ka Akhriso Jadawalka doorashada ee lasoo saaray.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor