Wakiillada Puntland oo Xasaanad siiyay Wasiiro iyo Wasiiru Dawlayaal

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Puntland, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil,  oo uu wehliyo Guddoomiye ku-xigeenka 1aad Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan ayaa maanta shir Guddoomiyey fadhiga 10-aad, Kalfadhiga 50-aad ee Golaha Wakiillada Puntland.

Fadhiga maanta waxaa goob-joog ahaa 49 Xildhibaan, Ajandaha ayaa ah Ansixinta mas’uulyiinta u baahan xasaanada-siinta Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Puntland sida uu qabo Qodobka 64aad Farqadiisa 16aad ee Dastuurka Puntland iyo Qodobka 3 Farqadiisa 10aad ee Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Puntland.

Kadib markii Xildhibaannada ay dhageysteen Taariikhdooda, waxaa cod gacan-taag ah ugu codeeyay Oggol 48 Xildhibaan, Diidmo 1, cid ka aamustayna ma jirin.

Xildhibaannada ayaa Xasaanadda siiyey Wasiiradda, Wasiir ku-xigeennada iyo Wasiiru Dawlayaasha

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor