Wakiilka QM ee Somalia oo fariin nabad ah u diray shacabka Soomaaliyeed

Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Amb. James Swan oo ka hadlayay maalinta Caalamiga ah ee Nabadda ayaa fariin u diray dhammaan dadka Soomaaliyeed.

Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Amb. James Swan ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay gacan ka geystaan Nabad kusoo Dabaalidda dalka iyo sidii la soo Afrjari lahaa dilalka iyo qaraxyada ka dhaca Soomaaliya.

War-saxaafadeed uu soo saaray Amb. James Swan ayuu uga hadlay Arrintaas,waxaana u qornaa sidan:-

Iyadoo adduunku xusayo Maalinta Caalamiga ah ee Nabadda, ayaa Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya wuxuu maanta ku dhiirri-geliyay dhammaan dadka Soomaaliyeed inay gacan ka geystaan xaqiijinta nabad waarta oo ka hirgasha dalkooda.

“Dadka Soomaaliyeed waxay aad ugu baahan yihiin in la soo afjaro colaadda iyo toogashada macno darrada ah iyo qaraxyada ay muddada dheer usoo joogeen. Waxaan bogaadineynaa dadaallada joogtada ah ee ay waddo Dowladda Soomaaliya, oo ay taageerayaan saaxiibbada caalamka, si loo hagaajiyo amniga loona soo afjaro rabshadaha.

Nabad waarta waxay sidoo kale u baahantahay hanaan dowladnimo oo loo wada dhan yahay, cadaalad loo siman yahay, iyo wada hadal joogto ah oo dhexmara dadka Soomaaliyeed ee wanaagga iyo samaha jecel si loo gaaro is-afgarad siyaasadeed iyo dib-u-heshiisiin qaran,” ayuu yiri Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud u qaabilsan Soomaaliya, James Swan.

“Maalintan maanta ah, waxaan ku boorinayaa dhammaan dadka Soomaaliyeed inay sii xoojiyaan go’aankooda ah inay kuwada noolaadaan midnimo, si ay Soomaaliya ugu tallaabsato waddada nabadda iyo xasilloonida,” ayuu raaciyay.

Golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobay ayaa aasaasay Maalinta Caalamiga ah ee Nabadda sanadkii 1981. Labaatan sano ka dib, 2001, Golaha loo Dhanyahay wuxuu si wada jir ah ugu codeeyey in maalintaas loo asteeyo inay noqoto xilli rabshad la’aan iyo xabbad-joojin lagu xuso.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media