Wakiilka Qaramada Midoobay ee Somalia oo kulan la qaatay Madaxweynaha Jabuuti

Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya ee James Swan ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda  dalkaas Maxamuud Cali Yuusuf.

Kulanka dhexmaray Madaxweyne Geelle iyo James Swan ayaa waxaa looga hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee arrimaha siyaasadda ee dalka Jabuuti, amniga iyo arrimo kale oo ku aadan Gobolka.

Sidoo kale kulanka ayaa waxaa looga hadlay taageerada dhinaca Ciidamada ay siiso dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoona James Swan sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu kulan La yeesho Madaxweyne Ismaaciil Geelle.

“Waxaa sharaf ii aheyd in aan la kulmo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda dalkaas Maxamuud Cali Yuusuf, Jabuuti waa saaxiib muhiim u ah gobolka isla markaana ku deeqay ciidamado ka tirsan AMISOM, taariikh dheerna ku leh taageerada nabadda iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya” ayaa lagu yiri Qoraal kasoo baxay Xafiiska UN-ka ee Muqdisho.

Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya ee James Swan ayaa horraantii toddobaadkan socdaal ku tegay Magaalada Jabuuti ee Caasimadda dalkaas, wuxuuna horey safaro ugu tegay dalalka deriska la’ah Soomaaliya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor