Wajiga labaad ee Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo maanta furmaya

Waxaa maanta la filayaa in uu furmo wajiga labaad ee Shirka Golaha Wadatashiga Qaran, kaasi ay ka qayb galayaaan Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxda Dowladad Goboleedyada dalka iyo Guddoomiyaha Gobolkani Banaadir Cumar Maxamed Maxamuud Cumar Filish.

Shirkan oo ah mid horay uu RW Rooble ugu dhawaaqay ayaa maanta galaya maalintiisii labaad, iyadooo Madaxdu ay si toos ah ay kaga arrinsanayaan caqabadaha ka taagan doorashooyinka dalka ka billowday, waxaana sidoo kale shirkan diiradda si gaar ah loogu saari doonaa doorashada Baarlamanka aqalka hoose oo kuraasta intooda badan lagu soo dooran doono Maamul Goboleedyada dalka.

Shirkii Shalay ka dhacay Afisyooni ayaa waxaa shir guddoomiyay RW Rooble, waxaana uu ahaa kulan is arag ah oo madaxdu ay ka wada hadleen waxyaabihii diiradda lagus aaaray kulankii shalay, iyadoo ilaa iyo hadda aan la shaacin waqtiga sida rasmiga ah loosoo gaba-gabayn doono shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee haatan ka socda Teendhada Afisyooni.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor