Wafdi ka kooban Xildhibaano iyo Wasiiro ka tirsan Maamulka Hirshabeelle ahna Xubnaha Degmada Matabaan ku matala Hirshabeelle ayaa gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.
Wafdigaas ayaa hordhac u ah Safarka Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare uu ku tegayo Dhuusamareeb si uu uga qeyb galayo shirka maamul Goboleedyada oo halkaas ka furmaya maalinta Khamiista.
Mas’uuliyiintan oo ka kooban shan xubnood ayaa qorshaynaya in mudada Madaxweyne Waare uu ku sugan yahay Caasimadda Galmudug lagu dhawaaqo maamul ay yeelato Magaalada Matabaan ee Gobolka Hiiraan oo mudoba ku hoos jirtay gacanta maamulka Galmudug.
Sidoo kale wafdigaan ayaa qorsheynaya in Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare uu safar tago Matabaan, halkaas oo laga dareemayo u diyaar garoow ku aadan soo dhaweynta Waare.