Wafdigii DFS u dirtay dhageysiga Go’aankii Kiiska Badda oo kusoo laabtay Muqdisho

Waxaa goordhow Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho dib ugu soo laabtay wafdigii dowladda Federaalka Soomaaliya uga qeyb galay dhageysiga Go’aankii Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ee ICJ ee kiiskii badda ee u dhexeeyay Soomaaliya iyo Kenya.

Wafdiga oo uu hoggaaminayay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kusoo dhaweeyay Wasiiro, Xildhibaano, Siyaasiyiin iyo Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka.

Wafdiga dowladda oo ka yimid Magaalada Hague ee dalka Nederland ayaa ka mahadceliyay soo dhaweynta ballaaran ee loo sameeyay, iyagoona sheegay inay ku faraxsan yihiin guushii laga gaaray kiiskii Dacwada Badda ee muranka gelisay Kenya.

Maxkamadda Cadaalada Aduunka ee ICJ ayaa 12-kii boshaan Octoober go’aan ka gaartay kiiskii dacwadda badda ee u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Kenya, iyada oo diiday doodda ugu weyn ee Kenya ee aheyd inuu jiro xad u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya oo la barbar ah xariiqa loolka.

Doodda labada dal ayaa aheyd, iyada oo Soomaaliya uu mowqifkeedu ahaa in xadaynta lagu saleeyo laynka tooska ah ee ku astaysayn xuduudda badda, halka Kenya ay dooneysay in xariiqda lagu saleeyo loolka.

Maxkamadda ayaa sameysay xariiq cusub oo ah xuduud badeedka labada dal, sida ka muuqatay xariiqda cusub, inta badan dhul-badeedkii ay sheegatay Kenya waa la diiday, waxaana loo xukumay Soomaaliya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor