Wafdi Wasiiro ah oo ka socda Dowladda Federaalka oo gaaray Doolow

Waxaa Goordhow degmada Doolow ee Gobolka Gedo gaaray wafdi ka socda dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu hoggaaminayo sii-hayaha xilka Wasiiru dowlaha Gaadiidka Cabdiraxmaan kulmiye Xirsi, iyadoo halkaas lagu soo dhaweyay.

Wafdiga Wasiiru dowlaha ayaa waxaa kamid ah Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Xukuumadda xil-gaasiinta Cabdiraxmaan Sheekh Yuusuf Alcadaada iyo xubno kale, waxaana halkaas kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Doolow iyo Saraakiil Ciidan.

Degmada Doolow ee Gobolka Gedo ayaa waxaa ka socota qaban-qaabada lagu soo dhaweynayo Wasiirkii amniga Maamulka Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan oo dowladda Federaalka heshiis la galay.

Sidoo kale degmada ayaa waxaa goorsii horeysay oo saakay gaaray Taliyaha Ciidanka NISA Fahad Yaasiin Xaaji iyo Saraakiil Ciidan, iyagoona goobjoog ka noqon doono heshiiska lagu dhameystirayo midka dowladda iyo C/rashiid Janan.

Warar lagu kalsoonaan karo oo la helayo ayaa sheegaya in Wasiirkii hore ee Maamulka Jubbaland Maanta la keeni doono Magaalada Muqdisho, isla markaana maalmaha soo socdo u gudbi doono dalka Turkiga, halkaasoo dowladda Federaalka ay ku deegaameyneyso.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa saakay xilka qaadis ku sameeyay Wasiirkii amniga Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan oo heshiis la galay dowladda Federaalka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor