Wafdi Maanta gaaray Degmo ka tirsan Shabeellaha Hoose

Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa Maanta waxaa gaaray wafdi uu hogaaminayo Senatar Xuseen Cali Xaaji oo ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo halkaas lagu soo dhaweeyay.

Wafdiga Senatar-ka ayaa waxaa kamid ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha Maamulka Koonfur Galbeed iyo xubno kale, waxaana halkaas kusoo dhaweeyay Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Aada Cali Najax.

Mas’uuliyiintaas iyo kan Maamulka Gobolka ayaa Magaalada Marka waxaa ay ka dhagax dhigeen Xarunta Cusub ee Maamulka Gobolka uu si buuxda ugu shaqeyn doono, iyagoo intaas kadib kulan la qaatay Guddoomiye Najax iyo xubno kale.

“Waxaan Marka ka dhagax dhignay xarunta maamulka Gobolka Shabellaha hoose oo uu si buuxda ugu shaqeyn doono maamulka, dhowr billood ayaan ka soo shaqeynay sidii loo dhagax dhigi lahaa xarunta maamulka” ayuu yiri Guddoomiye Najax.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media