Wafdi ku wajahan degaan uu ka dhacay dagaal Khasaaro geystay

Waxaa Maanta deegaanka Feer-feer ee ku yaalla xadka Gobolka Hiiraan uu la wadaago dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ku wajahan wafdi ka socda Maamulka Gobolka Hiiraan ee Hirshabeelle.

Wafdigaan oo uu hogaaminayo Guddoomiye Cali Jeyte Cismaan ayaa Ujeedkooda waxaa uu yahay sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen dhameeynta dagaal xoogan oo Feer-feer ku dhexmaray laba Maleeshiyo beedeed oo halkaas ka wada-dega.

Sidoo kale Guddoomiye Cali Jeyte iyo wafdigiisa ayaa deegaanka kulan kula qaadan doona hoggaanka nabad-galyada dowlad deegaanka Soomaalida, kuwaasi oo kala dhex-galay Maleeshiyaadka dagaalamay.

Labada dhinac ayaa qorshahu yahay inay kulamo la qaatan Odayaasha dhaqanka Maleeshiyaadka dagaalamay oo weli xiisad u dhexeeso, iyagoo kala hadli doona sidii loo afjari lahaa dagaalka, isla markaana wax kasta oo jira lagu dhameeyo wada-hadallo.

Dagaalkii ka dhacay Feer-feer ayaa waxaa ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray labada dhinac, waxaana xusid mudan in hoggaanka nabad-galyada dowlad deegaanka uu beeniyay in dagaalkii dhexmaray maleeshiyaadka ay ka qeyb qaateen Ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media