Wafdi ka socday Xukuumadda Xilgaarsiinta oo ka qeyb galay Shir ka furmay Masar

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha & Tacliinta Sare Xukuumadda xilgaarsiinta Cabdullaahi Abuukar Carab iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray Magaalada Qaahira ee Caasimadda dalka Masar.

Wasiir Cabdullaahi Carab iyo wafdigiisa ayaa Qaahira uga qeybgalay shirka 14aad ee ururka waxbarashada, Hiddaha & Cilmiga u qaabilsan wadamada Islaamka ee loo-soo gaabiyo (ICESCO), kaasi oo Magaaladda Qaahira ka furay Madaxwaynaha Dalka Masar mudane Cabdifitaax Alsiis.

Wasiirka ayaa warbixin ka siiyay ururka (ICESCO), horumarada Waxbarashada, Hiddaha, Cilmi baarista dalka, ayaa u sheegay in Waxbarashada Soomaaliya ay sameyneysay xaalad soo kabasho ah sidoo kalana dowlada ay hiigsaneyso in ay horumariso Waxbarashadda iyo Cilmi-baarista.

Wasiirka Waxbarashada xilgaarsiinta iyo wafdigiisa ayaa inta ay joogaan magaalada Qaahira ee dalka Masar waxaa ay la kulmi doonaan madaxda dhigooda Wasaaradda Waxbarashadda Dalka Masar iyo madax kala duwan oo ka socda Wadamada Islaamka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor