Wafdi ka socday Qaramada Midoobay oo Maanta gaaray Dhuusamareeb

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa Maanta waxaa gaaray wafdi uu hoggaaminayay ku-xigeenka ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ahna isuduwaha Hawlaha Qaramada Midoobay iyo Arrimaha Bani’aadamnimada ee Soomaaliya Dr Adam Abdelmoula.

Wafdiga ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug, iyagoona kulan la qaatay Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay xaaladda deegaanka gaar ahaan Arrimaha Bani’aadamnimada iyo dardar-gelinta howlaha UN-ka, waxaana Cali Daahir uu ugu mahadceliyay Dr Adam Abdelmoula oo Mas’uulka ugu sarreya ee WHO.

Wafdiga tegay Dhuusamareeb ayaa goobjoog u ahaa daah-furka tallaalka Cudurka halista ah ee COVID-19 oo si rsmi ah looga bilaabay halkaas, isla markaana waxaa lagu daah-furay Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor