Wafdi ka socday Dowladda Talyaaniga oo gaaray Hobyo iyo Ujeedka

Magaalo xeebeedka Hobyo ee Gobolka Mudug ee Maamulka Galmudug ayaa waxaa wafdi ka socday dowladda Tanyaaniga iyo Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Kaluumaysiga Galmudug.

Wafdigan oo uu hoggaaminayay Safiirka Talyaaniga u fadhiga Soomaaliya Alberto Vecchi, ayna qeyb ka haayeen Mas’uuliyiin sar sare oo ka socotay WFP ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Hobyo kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan maamulkaas.

Ujeedka Safiir Alberto Vecchi iyo Wasiirk Dekedaha iyo Kaluumaysiga Galmudug Cabdi Saabir Nuur Shuuriye ayaa waxaa uu yahay sidii ay u dhagax dhigi lahaayeen dhismaha Deked macmal ah oo Hay’adda WFP ay Hobyo ka dhisi doonto

Wasiirka Dekaddaha Galmudug Cabdi Saabir Nuur Shuuriye ayaa dhawaan Magaalada London ku saxiixday heshiis lagu dhisayo Dekedda Hobyo, waxaana Dekedaan Macmalka ah suurta galin doontaa in qalabka lagu dhisayo dekeda laga soo dajiyo halkaas.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media