Wafdi ka socday Dowladda Soomaaliya oo gaaray Magaalada Dooxa

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Dowladda ee Xukuumadda xil-gaarsiinta Xasan Xuseen Xaaji ayaa gaaray Magaalada Doox ee Caasimadda dalka Qatar, iyadoo uu kusoo dhaweeyay Safiirka Dowladda Soomaaliya u fadhiya Qatar Danjire Cabdirisaaq Faarax.

Safiir Taano oo uu Wehliyo u qeybsanaha arrimaha Ciidanka ee Safaaradda General Maxbuub Xasan Cabaade ayaa Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda xil-gaarsiinta kula qaatay Garoonka, iyagoona ka wada hadlay arrimo ku aadan xiriirka labada dal.

Wasiir Xasan Xuseen ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay dadaal xoogan galisay dib-u-dhiska Ciidanka, waxaana Qatar ay ka mid tahay dalalka Mashaariicda horumarineed iyo kuwa amni ee ka fuliya Soomaaliya.

Safiirka Soomaaliya Danjire Cabdirsaaq Taano ayaa dhiciisa uga war bixiyey Wasiirka Xaaladda Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Qatar iyo soo dhawaynta wanaagsan ee ay helaan dowladda Qatar.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor