Wafdi ka socday Dowladda Soomaaliya oo gaaray Magaalada Ankara

Magaalada Ankara ee Caasimadda dalka Turkiga ayaa xalay gaaray wafdi ka socda dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu hoggaaminayay Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Xukuumadda Federaalka.

Wasiir Cabdirisaaq Maxamed Nuur  iyo wafdigiisa ayaa waxaa Ankara kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan dowladda Turkiga iyo diblomaasiyiin kamid ah Safaaradda Soomaaliya ee dalkaas.

Ujeedka Wasiirka Cadaalada Xukuumadda ee Turkiga ayaa waxaa uu yahay sidii uu kulan ula qaadan lahaa dhiggiisa Turkiga ee Wasiirka Cadaaladda Abdulhamit Gül, kadib markii uu maqti qaad ka helay.

Wasiir Cabdirisaaq Maxamed Nuur iyo Abdulhamit Gül, ayaa sida uu qorshahu yahay kala wada hadli doona xoojinta xiriirka labada dal iyo arrimo ku aadan Cadaaladda, waxaana la filayaa in kulanaas uu Maanta dhaco.

Wafdiga Wasiirka Cadaaladda Soomaaliya ayaa waxaa kamid ah Xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka Suleymaan Maxamed Maxamuud, Garoose Saalax Sheekh Ibraahim oo kamid ah Garsoorayaasha Maxkamadda dalka iyo Taliye ku-xigeenka Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media