Wafdi ka socday DFS oo ka qeyb galay Shir looga hadlay Maareynta hubka

Saraakiil ka socota Dowladda Federaalka Soomaaliya oo shir looga hadlayo Caqabadaha xaduudaha, xalinta khilaafaadka iyo maareynta isticmaalka hubka fudud uga qeyb galay dalka Uganda.

Shirkaan oo ahaa mid heerkiisu sareeyo ayaa waxaa looga hadlayay faafista iyo maareynta isticmaalka Hubka fudud (Small arms and light weapon management SALW) Adeegsiga hubka fudud ayaa ah mid dhibaato weyn ku haya geeska Afrika.

Shirkan oo ay soo qaban qaabisay Xarunta Maareynta hubka fudud ee RECSA oo ay ku mideysan yihiin wadama geeska Afrika ayaa waxaa kasoo qayb galay saraakiil ka socotay dhammaan wadama geeska afrika kuwooda madaxda ka ah xuduudaha.

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa waxaa shirkan uga qab galay Saraakiil sarsare oo ku shaqo leh arrimaha hubka fudud ee xuduudaha iyo gudaha dalka.

Shirkan ayaa laysku waydaarsaday dhammaan caqabadaha ka jira dalalka geeska Afrika ee dhanka xuduudaha iyo sida ugu fiican looga hortagi karo isticmaalka dhanka qaldan ee hubka fudud ee sida sharci darada ah ugu gacan galaya dadka kooxaha aan ku shaqada laheyn iyo shacabka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor