Wafdi ka socda Taliska Booliska Dowladda oo gaaray Dhuusamareeb + ujeedka

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug ayaa waxaa goordhow gaaray wafdi uu hoggaaminayay Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya Gen. Cismaan Cabdullaahi Maxamed (Kaniif).

Wafdiga Gen. Cismaan Cabdullaahi ayaa waxaa qeyb ka ahaa Saraakiisha cusub ee Taliska Booliska Galmudug iyo Taliyaaasha Saldhigyada Booiiska ee qaar ka mid ah degmooyinka Galgaduud, waxaana Garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur ee Dhuusamareeb kusoo dhaweeyay Saraakiil kamid ah Booliska Galmudug iyo xubno kale.

Ujeedka Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska dowladda ayaa waxaa uu yahay la kulanka Taliyeyaasha Cusub ee Booliska dowlad Goboleedka Galmudug, kuwaasi oo shalay uu magacaabay Taliye Cabdi Xasan Maxamed Xijaar.

Sidoo kale Taliye Cismaan Kaniif ayaa kulan la qaadan doona Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, iyagoona kala hadli doona xaaladihii ugu dambeeyay deegaanada Maamulka iyo amniga Doorashada Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka.

Socdaalka Taliye Cismaan Kaniif ee Magaalada Dhuusamareeb ayaa ku soo aadaya, iyadoo Isbedel ballaaran lagu sameeyey hoggaanka Booliska Maamulka Galmudug iyo Talisyada Booliska Degmooyinka qaarkood.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media