Wafdi ka socda Somaaliland oo socdaal ku maraya Qaarada Yurub+Sawiro

Wufuud kala duwan oo ka socota Maamulka Somaalilan ayaa saacadihii la soo dhaafay gaaray qeybo kamid ah wadamada Qaraarada Yurub kuwaas oo la shaaciyay sababta ay halkaasi u tageen.

Wafdiga ka socda Somaalind ayaa waxaa hoggaaminaya Wasiirka Arimaha dibadda Maamulka Somaaliland Sacad Cali shire iyadoona la soo sheegayo in ay gaareen ugu horeen dalka Sweden iyadoona siweyn loo soo dhaweeyay.

Ujeedada ugu weyn ee safarkooda ayaa waxaa lagu sheegay in Jaaliyadda kas oo jeeda Somaaliland ee ku sugan dalalka yurub ay ugala qeyb qaataan xuska Maalinta 18 May oo ku beeagn Maalintii ay ka Go’een Somaaliya inteeda kale sida ay aaminsan yihiin.

Inta ay ku sugan yihiin Wafdiga ayaa waxay kulamo la qadan doonaan Masuuliyiinta degmooyinka Gobolada Qaarada Yurub iyagoo kala hadli doona horumarinta dhanka mashgaariicda deegaanada Maamulka Somaaliland.

Sawiro

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media