Wafdi ka socda Kenya oo kusoo wajahan Magaalada Muqdisho iyo ujeedka

Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ayaa waxaa maalinta berri oo Axad ah kusoo wajahan wafdi ka socda Dowladda Kenya oo ay hoggaamineyso Wasiirka Arrimaha Dibedda dalkaas Raychelle Omamo.

Ujeedka safarka Raychelle Omamo ee Muqdisho ayaa waxaa uu yahay mid la xiriira xoojinta xiriirrka diblomaasiyadeed ee dhexeeya labada dal gaar ahaan arrimaha ganacsiga iyo isu-socodka shacabka labada dal.

Warar lagu kalsoonaan karo oo la helayo ayaa sheegaya in Wasiirka Arrimaha Dibedda Kenya ay la kulmi doono Madax ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya, isla markaana ay kala hadli doonto in dib loo fasaxo qaadkii ka imaan jiray Kenya ee la joojiyay.

Sidoo kale wararka intaas waxaa ay kusii darayaan in Raychelle Omamo ay Madaxda dowladda Federaalka kala hadleyso Arrimo kale oo ku aadan xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dhinac.

Si kastaba xiriirka u dhexeeya dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Kenya ayaa dhowr jeer xumaaday, sidoo kalena sababay in bilooyin ay xirnaadan safaaradaha labada dal ee Muqdisho iyo Nairobi, in kastoo markii dambe labada dowladood ay heshiis wada gaareen.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor