Wafdi ka socda Guddiga Doorashooyinka heer Federaal oo gaaray Baladweyne

Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ee Maamulka Hirshabeelle ayaa Maanta waxaa gaaray wafdi ka socda Guddiga doorashooyinka heer Federaal, iyagoona siweyn loogu soo dhaweeyay Garoonka diyaaradaha Magaaladaas ee Ugaas Khaliif.

Wafdiga Guddiga doorashooyinka ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha uga hortegay oo kusoo dhaweeyay Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan, Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Maamulkaas iyo xubno kale.

Warar la helayo ayaa sheegaya in ujeedka wafdiga ka socda Guddiga doorashooyinka heer Federaal ee Baladweyne uu yahay mid ku aadan u kuur gelida xaaladda Magaaladaas iyo kormeer ay ku sameeyn doonaan goobo loo Asteeyay doorashada.

Sidoo kale xubnaha Guddiga ayaa la filayaa inay kulamo kala duwan la qaatan Maamulka Gobolka Hiiraan iyo kan Baladweyne, isla markaana ay kala hadlaan diyaar garoowga ku aadan doorashada Golaha Shacabka oo maalmaha soo socda bilaabaneysa.

Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa kamid ah Magaalooyinka horey loogu qorsheeyay inay ka dhacaan doorashooyinka Xildhibaanada Golaha Shacabka gaar ahaan kuwa Hirshabeelle ku matelaya Baarlamaanka Federaalka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor