Wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo Maanta u ambabaxay Canada & Ujeedka

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Xil. Fardowsa Cusmaan Cigaal iyo wafdi ay hoggaaminayso ayaa maanta u ambabaxay magaalada Montreal ee Dalka Canada.

Wasiir Fardowsa Cusmaan ayaa magaalada Montreal uga qeyb galeysa shirka Caalamiga ah ee Hay’adda Duulista Hawadda Adduunka ee (ICAO) oo ka furmaya magaaladaas, isla markaana looga hadli doono arrimaha Duulista Hawadda Adduunka.

Dawladda Soomaaliya ayaa ka mid ah 193 waddan ee xubnaha buuxa ka ah ICAO , iyadoo inta uu socda shir weynaha Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS , ay soo bandhigi doonto warbixin la xiriirta guulaha ay Dawladda Soomaaliya ka gaartay adeegyada duulimaadyada iyo Hawada sare .

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Xil. Fardowsa Cusmaan Cigaal ayaa kulamo doceedyo la qaadan doonta wasiirrada iyo wakiillada ururrada iyo hay’adaha duulimaadyada adduunka ee shirka ka qeybgalaya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor