Wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo ka qeyb galaya Shir ka furmay Masar

Waxaa Magaalada Sharma Al sheekh ee dalka Masar maanta ka furmay shir heer sare ah oo looga hadlayay la dagaalanka Musuq-maasuqa kaasi oo ay ka qeybgalayaan dowladdaha qeybta ka ah heshiiska Caalamiga ah ee la dagaalanka Musuq-maasuqa.

Guddoomiyaha Guddiga madaxa banaan ee la dagaalanka Musuq-maasuqa Abuukaate Maxamed Xuseen Xaamud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa shirka ka qeybgalaya oo ay ku matalayaan Soomaaliya.

Guddoomiye Maxamed Xuseen Xaamud ayaa inta uu socdo Shirka ka jeedin doona khudbad uu uga hadlayo Arrimaha la dagaalanka Musuq-maasuqa iyo horumarada dowladda Soomaaliya ka gaartay la-dagaalanka Musuqa.

Maalmo kahor ayaa waxaa Magaalada Muqdisho lagu qabtay Shir looga hadlaayay la dagaallanka musuq maasuqa oo ka qeyb galeen Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka, Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan Ee La-dagaalanka Musuqmaasuqa Soomaaliya, xubno ka socday hay’addaha dowladda iyo ururadda bulshada raiyidka.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay musuq maasuqu uu ka mid yahay aafooyinka saameynta xun iyo mahadhooyinka ku yeesho kalsoonida iyo aaminaada dadweynaha ee ay ku qabaan xoojinta dowladnimada iyo horumarinta dhaqaalaha dalka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor