Wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo gaaray Qaahira

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Masar ahna wakiilka Joogtadda ah ee Ururka Jaamacadda Carabta Danjire Ilyaas Sheikh Cumar ayaa garoonka caalamiga Qaahira kuso dhaweeyay Wasiirka Wasaaradda Caddaalada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane C/qaadir Maxamed Nuur.

Wasiirka Cadaaladda Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa safar shaqo ku tagay Magaalada Qaahira ee Dalka Masar , Wasiirka ayaa ka qayb geli doonna shirka Wasiiradda Cadaaladda ee Jaamacadda Carabta.

Sidoo kale Wasiirka ayaa inta uu dalkaasi joogo kulamo kala duwan la yeelan doono masuuliyiinta wadankaas.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor