Wafdi ka socda Dowladda Somalia oo shir uga qeyb galay Magaalada Geneva

Wafdi uu hogaaminayo Wasiiru dowlaha xilgaarsiinta ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Cabdixakiim Xasan Ashkir oo ay ku weheliyaan Agaasimaha Guud Bay’adda ee Xafiiska RW iyo xubno khubaro ah ayaa ka qayb galay shir heer wasiir oo ka dhacay Magaalada Geneva ee Caasimadda dalka Switzerland.

Shirkaan aya waxaa looga hadlay ka hortagga wasakhaynta badda iyo sidii looga hortagi lahaa walxaha balaastigga ka samaysan oo khatar ku ah cimilada aduunka.

Shirkan oo ay si wada jir ah u shir-gudoominayeen wadamada Ecuador, Germany, Ghana iyo Vietnam ayaa ka socon doona laba maalmood Xarunta WTO ee magaalada Geneva ee Caasimadda dalka Switzerland.

Wasiiru dowlaha xilgaarsiinta ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Cabdixakiim Xasan Ashkir ayaa khudbad uu uga hadlay Arrimo kala duwan ka jeediyay Shirkaan, waxaana sidoo kalena khudbado madasha ka jeediyay Madax kale.

Bilowga sanadka soo socda ee 2022 ayaa shir balaaran oo looga hadlayo ka hortagga wasakhaynta badda iyo sidii looga hortagi lahaa walxaha balaastigga ka samaysan oo khatar ku ah cimilada aduunka lagu qaban doonaa Switzerland.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor