Wafdi ka socda Dowladda Somalia oo ka qeyb galaya Shir looga hadlayo Shidaalka Afrika

Wafdi ka socda dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Xukuumadda Cabdirisaaq Cumar Maxamed Maanta waxaa ay ku wajahan yihiin Magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika.

Wasiir Cabdirisaaq Cumar iyo xubno la socda ayaa Magaalada Johannesburg uga qeyb galaya Shirka todobaadka Shidaalka Africa oo maalinta berri oo Isniin ah lagu wado inuu ka furmo Magaalo xeebeedka Cape Town ee dalkaas.

Shirkan ayaa waxaa isugu imaan doona oo ka qeyb galaya Madax ka socota dalalka ee Kheyraadka leh iyo Shirkadaha iyo Dalalka kale ee daneeya Arrimaha la xiriira Shidaalka, waxaana shirkaas laga jeedin doonaa khudbado.

Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Xukuumadda Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa kulamo duceedyo la qaadan doona qaar kamid ah Madax ka qeyb galeysa Shirka todobaadka Shidaalka Africa.

Wasiirka ayaa sidoo kale marka uu shirku soo idlaado, Maalinta khamiista habeenka Jimcaha soo galayso la kulmi doona Jaalliyada Soomaaliyeed ee Cape Town.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor