Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG ah ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxaa gaaray wafdi ka socda dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo halkaas siweyn loogu sameeyay.
Wafdigan ayaa waxaa hogaaminayay Wasiirka Wasaaradda Cadaalada iyo Arirmaha Garsoorka Xukuumadda Xasan Xuseen Xaaji, waxaana qeyb ka ahaa Taliyaha Ciidanka Asluubta Gen Mahad C/raxmaan Aadan iyo xubno kale, iyadoo Garoonka ay kusoo dhaweeyeen Mas’uuliyiin ka tirsan Koonfur Galbeed.
Intaas kadib Wasiirka Cadaalada Soomaaliya, Wasiirka Cadaalada KGS iyo Gen Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa si wadajir ah u dhagax dhigay Xarun loo Qorsheyey in laga dhiso Xabsiga dhexe Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.
Wasiir Xasan Xuseen Xaaji ayaa inta uu ku sugan yahay halkaas ayaa waxaa uu kalamo kala duwan uu la qaadan doonaa Madaxda Koonfur Galbeed, iyagoo iska xog-wareysan doona arrimo kala duwan.