Wafdi ka socda Dowladda oo gaaray Baladweyne iyo kulan socda

Wasiirka qorsheynta  Xukumadda Federaalka Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan ,wasiirka Boostada isgaasiinta iyo Tiknoolajiyadda Soomaaliya Eng.Cabdi Cabshuur Xasan ,Wasiir ku xigeenka Wasaaradda gar gaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Xukumadda Federaalka Soomaaliya Cabdirishiid Maxamuud Xasan ayaa ayaa gaaray Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, iyadoo halkaas lagu soo dhaweeyay.

Xubhanaan ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya ee gaaray Baladweyne ayaa u kuurgalaya saameynta uu wabiga shabeele ka sameeyay qaar ka mid ah Magaalada sida bundoweyn iyo qeybo ka mid ah kanaalada dhax mara Magaalada.

Sidoo kale wafdiga ayaa haatan Xarunta Maamulka Gobolka Hiiraan kulan ku leh Maamulka Gobolka, Odayaasha dhaqan, waxaana looga hadlayaa sidii wax looga qaban lahaa fatahaadaha Webiga Shabeelle ee Baladweyne.

Saacadahii lasoo dhaafay waxaa Magaalada baladweyne ka da’ayay Roobab ma hiigaan ah waxaana lasoo sheegaya in wabiga shabeelle oo saameyay fatahaada iyadoo maalmahaan ay cabsi xoogan ka jira fatahaad u sameeyay waxaana Dowladda ay goor hore u kuur galeysa xaalada kasoo korortay Baladweyne si looga gaashaanto qasaaro ka dhasha.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media