Wafdi ka socda Dowladda Kenya oo Maanta kusoo wajahan Magaalada Muqdisho

Waxaa Maanta oo Axad ah lagu wadaa in Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho soo gaarto Wasiirka Arrimaha dibadda dowladda Kenya Raychelle Omamo iyo wafdi ay hoggaamineyso, kuwaasi oo kasoo ambabaxaya Magaalada Nairobi.

Ujeedka safarka Raychelle Omamo ee Muqdisho ayaa waxaa uu yahay mid la xiriira xoojinta xiriirrka diblomaasiyadeed ee dhexeeya labada dal gaar ahaan arrimaha ganacsiga iyo isu-socodka shacabka labada dal.

Wasiirka Arrimaha dibadda Kenya ayaa si kala gaar gaar ula kulmi doonta, Wasiirka Arrimaha Dibadda xilgaarsiinta, Ra’iisul Wasaare Rooble, sidoo kale waxaa la filayaa inay sallaan ugu tagto Madaxweyne Farmaajo.

Wararka ayaa intaas waxaa ay kusii darayaan in Wasiirad Raychelle Omamo ay martiqaad rasmi ah u wada Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Maxamed Xuseen Rooble oo la filayo inuu todobaadkan uu socdaal ku tago Magaalada Nairobi.

Si kastaba xiriirka u dhexeeya dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Kenya ayaa dhowr jeer xumaaday, sidoo kalena sababay in bilooyin ay xirnaadan safaaradaha labada dal ee Muqdisho iyo Nairobi, in kastoo markii dambe labada dowladood ay heshiis wada gaareen.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor