Wafdi ka socda Dowladda Federaalka oo u ambabaxay Gedo + ujeedka

Wafdi ka socday dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu hoggaaminayay Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Cabdulaahi Salaad Oomaar ayaa goor dhow u ambabaxay Magaalada Garbahaarey ee Gobolka Gedo.

Wafdiga Maxamed Oomaar ayaa waxaa kamid ah xubno kala duwan oo ka tirsan Wasaraadda Gaadiidka iyo Mas’uuliyiin kamid ah Maamulka Gobolka Gedo ee dowladda Federaalka.

Ujeedka Wasiir Oomaar ee Garbahaarey ayaa waxaa uu yahay dhagax dhigista Garoon diyaaradeed oo ay yeelato Magaalada Garbahaarey ee Xarunta Gobolka, maadaama halkaas sanado badan aysan laheyn Garoon.

Sidoo kale inta uu ku sugan yahay Magaalada, Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda xil-gaarsiinta ayaa waxaa uu kulamo kala duwan uu la qaadan doonaa Maamulka degmada iy xubno kamid ah qeybaha Bulshada.

Dadka deegaanka Garbaraaheey ee Xarunta Gobolka Gedo ayaa waxaa la sheegay in dhowr sano kahor ay isku dayeen inay isxilqaan ku dhistaan Garoon diyaaradeed, balse caqabado ka hor yimid ay hakad u geliyeen.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor