Wafdi ka socda DDS oo gaaray Cadaado iyo Ujeedka Safarkooda

Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa Barqanimadii Maanta gaaray Wafdi ka socda dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, iyadoo halkaas weyn loogu soo dhaweeyay.

Wafdigaan ayaa isugu jirau Wasiiro, Guddoomiyaha Gobolka Doolo, Guddoomiyaha Galaadi iyo Saraakiil Milatari oo ka socda Dawladda Faderaalka Itoobiya, waxaana Cadaado kusoo dhaweeyay Wasiiro ka tirsan Galmudug, Xildhibaano, Maamulka Degmada Cadaado, Odayaasha Dhaqanka.

U jeedka safarka Wafdigaan ayaa ah dhamaynta heshiis laga gaarey Colaadii beelaha ee maalmo kahor ka dhacdey Xuduuda ay wadaagaan Somalia iyo Itoobiya, waxaana galinka danbe ee Maanta Madaxtooyada Cadaado lagu saxiixi doonaa hishiiskii laga gaarey colaadii labada beelood.

Madaxda Galmudug iyo dowlad deegaanka Soomaalida ayaa dhawaan isku afgartay inay isugu soo laabtaan wajiga 2aad ee Shirka dib u heshiisiinta beelaha Walaalaha ah ee ku dagaallamay xadka, si xal waara looga gaaro waxyaabaha keenay iska hor imaadka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media