Wafdi DFS uga qeyb galaya fadhiga Go’aanka ICJ ee kiiska Badda oo gaaray Hague

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Mahdi Maxamed Guuleed Khadar iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ka ambabaxay Muqdisho ayaa gaaray Magaalada Hague ee Caasimadda dalka Nederland.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Mahdi Guuleed iyo wafdigiisa ayaa ka qeyb galaya fadhiga go’aanka Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ee ICJ oo 12-ka bishan October ku dhawaaqi doonta xukunka dacwadda badda ee Soomaaliya iyo Kenya.

Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku kalsoon tahay go’aanka kama dambeynta ee laga sugayo inay ku dhawaaqdo Maxkamadda ICJ ee la xiriira kiiska dacwadda badda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Dowladda kenya ayaa maalmo ka hor sheegtay in aysan aqoonsan doonin go’aan kasta oo ka soo baxa Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ee ICJ, isla markaana aysan u hoggaansami dooninka Go’aanka Maxkamadda kasoo bixi doona.

Kenya ayaa sheegtay in dacwadda badda ay ka baxsan tahay xeyndaabka Maxkamadda ICJ, waxaana ay sidoo kale shaki geliyeen dhexdhexaadnimada Maxkamadda Cadaaladda Aduunka ee ICJ ee uu fadhigeedu yahay Magaalada Hague ee dalka Nederland.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor