Wafdi ballaaran oo Maanta gaaray Baladweyne iyo soo dhaweyn loo sameeyay

Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa Maanta gaaray wafdi uu hoggaaminayay Madaxweyne ku-xigeenka dowlad Goboleedka Hirshabeelle Yuusuf Ahmed Hagar (Yuusuf Daba-geed).

Wafdiga Daba-geed ayaa waxaa kamid ahaa
Wasiirkii hore ee Amniga C/risaaq Cumar, Wasiirkii hore Waxbarashada C/llaahi Goodax Barre, Xildhibaan Qoone iyo Siyaasiga C/llaahi Sanbaloolshe iyo Mas’uuliyiin kale.

Garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ayaa waxaa wafdiga kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Hiiraan iyo kan Baladweyne, waxaana ujeedkoodu uu yahay mid la xiriira arrimaha doorashada dalka.

Xildhibaanada waqtigoodu dhammaaday ee tegay Baladweyne ayaa kulamo kala duwan la qaadan doona Maamulka degmada iyo Odayaasha dhaqanka, iyagoona kala hadli doona arrimaha doorashooyonka gaar ahaan tan Golaha Shacabka.

Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa taalla illaa 25 kursi oo Golaha Shacabka ah, waana kuraas intooda badan uu tartan iyo loolan adag uu ka jiro, waxaana ka mid ah kursiga uu ku fadhiyo Xildhibaan Faarax Sheekh C/qaadir.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor