Wadooyinka muhiimka ah ee Muqdisho oo Maanta xiran

Waxaa inta badan Maanta xiran Isgoysyada Magalada Caasimadda ah ee Muqdisho,xilli lagu wado in uu furmo shirka Golaha Iskaashiga Islaamka.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa lagu arkayaa Wadooyinka Waaweyn ee Muqdisho,sida Maka Al-Mukarama, wadnaha iyo Wadada Jubba ee ka ee tagta degmada Xamarweyne.iyad oo gaadiidka Dadweynaha u diidaya inay Wadooyinka isticmaalaan.

Sabaha ugu weyn ee Wadooyinka loo xiray Maanta ayaa ah in Maanta Muqdisho uu ka furmayo Shirka Golaha Iskaashiga Islaamka iyo wafdi ka socda wadamada Islaamka ee Ururkaas ku jira oo Muqdisho imaanaya.

Maanta degmooyin ka tirsan Gobolkan Banaadir waxaa ka da’aya Roob,iyada oo ay yar tahay dadka inta badan lugeynaya.

Markii Magalada Muqdisho ay imaanayaan wufuud Caalami ah ama uu ka furmayo Shirwyen ayaa waxaa la xiraa wadooyinka muhiimka ah ee Muqdisho,waxana taasi dhibaato ku qaba Shacabka ku nool Gobolkan Banaadir.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor