Waddooyinka qaar ee Magaalada Muqdisho oo Maanta xiran iyo sababta oo la ogaaday

Waxaa saaka oo sabti ah xiran inta badan waddooyinka waaweyn Magaalada Muqdisho, waxaana dadka shacabka ay yihiin kuwo lugeeynaya, maaddaama aan la ogoleyn in gaadiidka dadweynaha ay isticmaalaan waddooyinkii ay horay u isticmaali jireen qaarkood.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka ayaa lagu arkayaa waddooyinka xiran iyaga oo taagan, waxaana Jidadka xiran kamid ah Waddooyinka soo gala iyo kuwa kabaxa wadada Maka Al-mukarama ee Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale wadada ayaa ka xiran laga bilaabo Taaladda Daljirka daahsoon ee degmada Boondheere illaa Iskuul Bulusiya, iyadoona loo diidayo inay isticmaalaan gaadiida dadweynaha ay saaran yihiin iyo kuwa gaarka loo leeyahay.

Sababta loo xiray waddooyinka Magaalada Muqdisho ayaa ah in Maanta oo sabti ah ay Caasimadda ka dhaceyso gaar ahaan Xarunta Booliska ee Jeneraal Kaahiye Munaasabadda Sanad-guurada 78-aad ee kasoo wareegtay aasaaskii Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Munaasabadda oo la filayey inay dhacdo 20-kii bishaan December 2021 ayaa dib u dhacday, waxaana Maanta Munaasabadda ka qeyb galaya Madaxda ugu horreeysa dalka oo uu kamid ah Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble iyo Mas’uuliyiin kale.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor