Waddooyinka Magaalada Muqdisho oo saaka xiran

Waxaa saaka xiran inta badan waddooyinka muqdisho, iyadoo la arkayo Ciidamo farabadan oo waddooyinka lagu soo daadiyay, waxaana gaadiidka dad weynaha laga celinayaa inta badan is-goysyada Caasimadda.

Waxaa la arkayaa dadka shacabka ah oo lugeynaya waddooyinka, maaddama loo diiday gaadiidka dadweynaha in ay isticmaalaan waddooyinka waa weyn ee inta badan isaga kala gooshaan gaadiidka ka shaqeeya Muqdisho.

Lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa xirintaan saaka la xiray waddooyinka Caasimadda, walina Maamulka Gobolka wax war ah kama soo saarin.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ay la xiriirto aaska qaran ee loo samaynayo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed oo ku geeriyooday Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya, waxaana guddigii uu magacaabay Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa shalay shaaciyay in maanta oo Jumca ah Meydka marxuumka  laga soo dajin doona Muqdisho.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor