Wadahadallo u socda Madaxda Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea

Waxaa wadahadalo ay weli uga socdaan dalka Itoobiya hoggaamiyeyaasha Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea wadahadalaas ayaa waxaa lagu dhameystirayaa heshiiska iskaashiga saddex geesoodka ahaa ee dalalkaas ku saxiixeen bishii September magaalada Asmara ee dalka Eritrea.

Kulamada ayaa xalay ilaa Maanta waxa ay ka socdaan Magalada Gondar,waxaana hoggaamiyeyaash aay Maanta soo saari doonaan Warmurtiyeedku saabsan qodobadii ay ka wada  haldeen.

Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta Madaxtooyada Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa shalay sheegay in Madaxda Saddexda dal ay safar dhinaca dhulka ah ku tagi doonaan magaalada Bahra Daar ee Waqooyi Galbeed dalka Itoobiya si wadahadalada halkaasi loogu dhameystiro.

Isbaheysiyada ka dhex sameysmay dalalka Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea ayaa ah mid saameyn weyn ku yeeshay dalal badna oo Afrikan ah,waxaana la aaminsan yahay in uu dhabaha u xaarayo Nabada Soomaaliya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor