Wadahadal u furmay Taalibaan iyo Mas’uuliyiinta reer Reer Galbeedka

Xubno ka tirsan ururka Taalibaan ayaa magaalada Oslo ee dalka Norway wadahadal kula mas’uuliyiin ka socda waddamada reer galbeedka, kulankan oonoqonaya kii ugu horreeyey oo Yurub ku yeeshaan tani iyo marki ay la wareegeen talada dalka Afghanistaan.

Wadahadalladan oo socon seddexda maalmood ee soo socota waxaa diiradda lagu saari doonaa arrimaha xuquuqal insaanka iyo dhibaatooyinka bani aadaminimo ee ka jira dalka Afghanistan.

Qaramada midoobay waxay sheegtay 95% shacabka Afghanistaan ay haysan cunno ku filan.

Inta uu shirka socdana qayba badan oo Yurub ka mid ah waxaa ka dhacay mudaharaadyo dhowr ah oo looga soo horjeedo aqoonsiga loo muujiyey ururka Taalibaan ee gacanta ku haya talada dalka Afghanistan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor