Wabiga Shabeelle oo Dad ku qaaday Magaalada Baladweyne

Wararka aan ka heleyno Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in fatahaada Biyaha Wabiga Shabeelle uu qaaday dad ku sugnaa halkaas, kuwaasi oo qaarkood lasoo badbaadiyay.

Dad ku sugan Baladweyne ayaa soo sheegaya in biyaha Webiga saacadihii lasoo dhaafay uu qaaday 10 ruux oo ku sugnaa Xaafadda Buundo Koowaad ee isku xirta Baladweyne iyo deegaanka Ceel-jaale, waxaana lasoo badbaadiyay 8 qof.

Sidoo kale waxaa la tilmaamay in Biyaha webiga weli lagu la’yay Nolol iyo geeri 2 ruux, hayeeshee waxaa socda Gurmad xoogan oo loogu  jiro sidii loo heli lahaa dadkaas, waxaana lagu raadinayaan doomo.

Dhinaca kale Xaafadaha qaar ee Magaalada Baladweyne ayaa waxaa xilligaan ku go’doonsan dad farabadan oo uu saameeyey fatahaada Wabiga Shabeelle, kuwaas oo xaafadahooda kasoo bixi waayay.

Inta badan Xaafadaha Baladweyne ayaa waxa buux dhaafiyey Biyaha kasoo baxay Wabiga ee fatahaada ah, waxaana taasi ay sababtay in dadka qaarkood ay Magaalada ka bixi waayaan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media