Waare oo xilalkii ka qaaday Mas’uuliyiin iyo kuwo Cusub oo la Magacaabay

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa xilalkii ka qaaday Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Amniga Hirshabeelle iyo Wasiiru dowlaha Wasaaradda Maaliyada iyo Horumarinta Dhaqaalaha maamulkaas.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne Waare ayaa waxaa xilka Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda amniga Hirshabeelle loogu magacaabay inuu noqdo Xasan Maxamed Cilmi, isagoo bedelaya Geelle isaaq oo xilkaas haayay.

Sidoo kale Madaxweyne Waare ayaa Wasiiru dowlaha Wasaaradda Maaliyada iyo Horumarinta Dhaqaalaha u Magacaabay Yuusuf Sh. Xasan Macalin, kaasi oo isna bedelaya Luqmaan Haji Baarqab oo xilka qaadis lagu sameeyay.

Geelle isaaq oo ahaa Wasiir ku-xigeenkii amniga Hirshabeelle ayaa goor horey oo shalay aheyd ku dhawaaqay in xilkii uu haayay Maamulkaas uu iska Casilay, isagoon warbaahinta kula hadlay Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Sababta ka dambeysay Is Casilaadiisa Geelle isaaq ayuu ku sheegay inay aheyd, kadib markii shalay Taliyaha Booliska Hirshabeelle ee Gobolka Hiiraan uu joojiyay Banaanbax lagu taageeri lahaa Madaxweyne Farmaajo oo ka dhici ahaa Baladweyne.

Hoos ka Akhriso Wareegtada kasoo baxday Madaxweyne Waare.

 

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media