Waan-waan lagu dhex-dhexaadinayo Farmaajo iyo Rooble oo dib loo bilaabay

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/rxamaan iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa dib u bilaabay dadaalo lagu xalinayo khilaafka u dhexeeya Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble.

Guddoomiye Mursal, Madaxweyne Qoorqoor iyo xubno Wasiiro ayaa xalay kulan saacado qaatay la yeeshay Madaxweyne Farmaajo, iyagoona kala hadlay sidii loo xalin lahaa khilaafka xooggan ee kala dhexeeya Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta.

Sidoo kale Mas’uuliyiinta ayaa markii ay kasoo dhammaadeen  Farmaajo, kadib kulan kale la qaatay Ra’iisul Wasaare Maxamed Rooble, waxaana siweyn looga hadlay dejinta xiisada siyaasadeed ee labada dhinac oo salka ku heysa awoodaha sharciga iyo kiiska Ikraan Fahliil.

Ilo wareedyo ku dhow Wasiirada qeybta ka ah waan waanta ayaa sheegaya in howsha dhex dhexaadinta iyo u kala dab-qaadida Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday iyo Ra’iisul Wasaaraha xilgaarsiinta dhinac ay tahay mid bilow ah.

Dadaalo kala duwan lagu doonayay xalinta khilaafka labada dhinac oo ay sameeyeen Madaxweyneyaasha Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Mas’uuliyiin kale ayaa maalmo kahor natiijo la’aan kusoo dhammaaday, waxaana dadaalada ay qaateen maalmo dhowr ah.

Si kastaba Khilaafka Farmaajo iyo Rooble ayaa sii xoogeystay, kadib markii Farmaajo dhimay awoodaha Ra’iisul Wasaare Rooble, hayeeshee Rooble uu sharci darro ku tilmaamay tallaabada Farmaajo, kuna eedeeyay Jebinta heshiisyadii doorashooyinka, carqaladaynta hawlaha Xukuumadda iyo abuurista xasiloonidarro.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor