Waa sidee xaaladda Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud?

Iyadoo Maalmihii aynu soo dhaafnay ay Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ay dhaceen dagaallo qaraar oo khasaaro badan dhaliyay, ayaa saaka waxaa Magaaladasi laga helayaa warar kala duwan oo ku aaddan xaaaldda guud ee Gobolka iyo Magaalada Guriceel.

Wararka saaka naga soo gaaraya Guriceel ayaa sheegaya in saaka ay xaaladdu tahay mid deggan oo wax dagaal ah oo hadda socda ma jiraan sida ay inoo sheegen dadka degaanka.

Ciidamada labada dhinac ayaa lagu soo warramayaa in ay ku kala sudan yihiin goobihii ay xalay ku kala sugnaayeen, waxaana wararku intaa ku darayaan in mar waliba la filan karo in dagaalku billawdo, maaddaama ay wali is hor fadhiyaan Ciidamada labada dhinac.

Magaalada Guriceel ayaa sidoo kale waxaa laga dayrinayaan xaalada guud, waxaana Magaalada ka go’an adeegyada Bulshada, iyadoo Korontada, Biyaha iyo Adeegyada Caafimaadka ay yihiin kuwo aqan shaqeynayn, taaso oo keentay in dadka degaanku ay wajahaan xaalad adag oo dhanka Nolosha ah.

Magaalada ayaa inteeda badan waxaa lagala wareegay xoogagga Ahlu-sunna, waxaana jira qaybo muhiim ah oo gacanta ugu jira Ciidanka ASWJ.

Dagaalka Guriceel ayaa ah mid khasaro badan dhaliyay, iyadoo Ciidamada labada dhinac u kaal dagaalamaya uu soo gaaray khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh, waxaana isi-soo taraya baaqyada kasoo yeeraya waxgaradka iyo qaybaha kaal duwan ee bulshada ee lagu dalbanayo in dagaalkaasi dhiigga badani uu ku daatay la joojiyo.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor