Waa sidee xaaladda degaankii ay ku dagaalameen Ciidanka Galmudug iyo Ahlusunna?

Waxaa saaka xaalad deganaansho ah oo aan cago badan ku taagneyn laga dareemayaa deegaanka Bohol ee duleedka Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug oo shalay ilaa xalay ay ka dhaceen dagaalo xoogan oo geystay khasaaro.

Dagaalo culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa waxaa uu deegaanka Bohol ku dhexmaray Ciidanka Milateriga qeybta 21-aad, kuwa Maamulka Galmudug iyo Ciidamo taabacsan Ahlusunna Waljameeca oo dib loo abaabulay .

Dadka deegaanka qaarkood ayaa ku warramaya in saaka xaaladda Bohol ee duleedka Magaalada Dhuusamareeb ay  degan tahay, kadib dagaaladii dhacay, iyada oo aan wax rasaas laga maqleyn deegaanka, inkasoo dhinacyada weli ay is hor-fadhiyaan.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaaladii dhexmaray Ciidamada dowladda Federaalka, kuwa Galmudug iyo Ciidanka Ahlusunna, waxaana la xaqiijiyay in dagaalka ay ku geeriyoodeen 10 ruux oo dhinacyada dagaalamay ah.

Sidoo kale in ka badan 20 qof ayaa ku dhaawacmay dagaaladii dhacay oo bilowday duhurnimadii shalay, isla markaana soo gaaray fiidnimadii xalay, waxaana dadka dhaawacmay la geeyay Xarumo Caafimaad oo ku yaalla Dhuusamareeb.

Dagaalkan dhexmaray labada dhinac ayaa yimid, kadib markii Ciidanka Ahlusunna ay weerar ku qaadeen fariisimo Ciidanka Galmudug ku leeyihiin deegaanka Bohol, waxaana halkaas la wareegay Ahlusunna, kadibna laga qabsaday, balse dagaal rogaal celin ah oo ay soo qaadeen  Ahlusunna ay ku qabsadeen degaankaas.

Hoggaamiyayaasha Ahlusunna Macallin Maxamuud iyo Sheekh Maxamed Shaakir ayaa toddobaad kahor dib ugu laabtay Gobolka kadib in ka badan sanad iyo bar oo ay ka maqanaayeen, taasi oo ka dambeysay markii looga adkaaday dagaal ka dhacay Dhuusomareeb.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor