UNHCR oo War kasoo saartay Gargaarkii laga dejiyay Garoowe

Hay’adda Qaxootiga aduunka ee UNHCR ayaa sheegtay in Gargaarkii gelinkii dambe ee shalay gaaray Magaalada Garoowe ee Caasimadda maamulka Puntland ay iyadu bixisay.

Wakiilka Hay’adda u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya ee Johann Siffointe ayaa waxaa uu sheegay in gargaarkii laga dejisay Garoowe ay u xil-saartay dowladda Federaalka Soomaaliya, isla markaana mas’uuliyadda howsha ay qaadatay dowladda.

“UNHCR waxay ku faraxsantahay inay taageerto dedaallada dowladda dhexe iyo maamulka Puntland si looga jawaabo xaaladda deg deg ah ee fatahaadda Qardho. Markii la qoondeeyey 920 agabka asaasiga oo ay bixisay UNHCR, dowladda federaalka ayaa qaadatay mas’uuliyadda iyo abaabulka safarka duulista hawada,” ayuu yiri Johann Siffointe.

Hay’adda Qaxootiga aduunka ee UNHCR  ayaa tilmaamtay inay sii sii wadi doonto wax ka qabashada daadadka, iyadoo hoos imanaysa Madaxda sare ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayna xiriir la leeyihiin Puntland oo kamid ah Maamulada xubnaha ka ah DF.

Dowladda ayaa saddex diyaaradood oo siday gaargaar deeq ah ka dejisay Magaalada Garoowe, waxaana dowladda ay sheegtay in Gargaarka uu yahay mid loogu talagalay dadkii waxyeelada kasoo gaartay daadadkii ku rogmaday Magaalada Qardho.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media