UK oo shaacisay Magaca Ninka Soomaaliga ee loo xiray dilkii Xildhibaan Sir David

Booliiska dalka Britain ayaa waxay shaaciyeen magaca nin Soomaali ah oo loo haysto dilkii xildhibaan ka tirsanaa baarlamaanka dalkaasi.

Ninkani oo magaciisa lagu sheegay Cali Xarbi Cali – ayaa la rumeysan yahay in uusan ku jirin liiska dadka ay diiradda ku haysay hay’adda sirdoonka Ingiriiska ee MI5.

Waxaa sidoo kale soo baxaya warar sheegaya in ninkani loo xiray tuhunka ah inuu dilay xildhibaan David Amess, uu horey uga qeyb galay barnaamij dowladda UK ay fulisay oo looga hortagayay xagjirnimada.

Cali Xarbi Cali-oo 25 jir ah oo haysta dhalashada Ingiriiska , balse asal ahaan Soomaali ah ayaa lagu xiray goobtii lagu tooriyeeyay xildhibaanka.

Booliiska ayaa Sabtidii baaray laba cinwaan oo ah aagga London islamarkana ma jiro qof kale oo ay imika ku raad-joogaan.

Booliisku ayaa weerarkii ka dhacay Essex imika u baaraya sidii dhacdo argagixiso, oo laga yaabo inay la xiriirto xagjirnimada Islaamiyiinta.

Dhanka kale, waxaa socday baroor-diiq loo sameynayo xildhibaanka la dilay iyada oo shumacyo la dhigayo halkii uu weerarku ka dhacay, si loo xusuusto noloshii Sir David.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor