Uganda oo War kasoo saartay weerarkii Al-shabaab ee Baraawe  

Dowladda Uganda ayaa War kasoo saartay Weerar Ismiidaamin ah oo shalay Al-shabaab ay ku qaadeen Saldhig Ciidanka AMISOM gaar ahaan kuwa Uganda ay ku leeyihiin Garoonka diyaaradaha Magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Afhayeenka Ciidanka Difaaca ee Uganda Richard Karemire oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Kampala ayaa waxaa uu sheegay in Ciidanka Uganda ay iska difaaceen weerarkii shalay kaga yimid dhanka Al-shabaab ee ka dhacay Magaalada Baraawe.

Waxaa uu sheegay Afhayeenka inay gubeen laba gaari oo laga buuxiyay waxyaabaha qarxa, isla markaana lagu soo weeraray Saldhiga Ciidankooda ku leeyihiin Garoonka diyaaradaha Baraawe.

Isaga oo sii hadlaayay Richard Karemire ayaa waxaa uu sheegay in weerarka wax Khasaaro ah oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac uusan kasoo gaarin Ciidankooda ayna iska difaaceen, wuxuuna xusay in heegan buuxa la geliyay Ciidanka.

Al-shabaab warar ay ku qoreen barahooda Internet-ka Al-shabaab ayaa waxaa ku sheegteen in weerarkii shalay ay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac iyo burbur hantiyeedba ku gaarsiiyeen Ciidanka Uganda.