Uganda oo taageero u ballan qaaday Dowladda Soomaaliya

Safiirka Soomaaliya ee dalka Uganda Danjire Cali Maxamed Maxamuud Cali Cagabaruur ayaa kulan la qaatay Guddoomiyaha Baarlamaanka Uganda  Jacob L. Oulanyah, iyagoo ka wada hadlay xariirka labada dal gaar ahaan labada Baarlamaan iyo sidii iskaashi loo sameyn lahaa labada dhinac.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Uganda ayaa xafiiska ku soo dhaweeyay safiirka Soomaaliya, isagoo sheegay in xariir wanaagsan oo labada dal u dhaxeeyo uu jiro gaar ahaan labada baarlamaan oo dowladda Uganda marar badan tababaro u sameysay baarlamaanada maamul Goboleedyada dalkeena Soomaaliya.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Jacob L. Oulanyah, ayaa sheegay in Soomaaliya uu tagay sanadkii 2007-dii markaas uu Soomaaliya ka soo bixiyay tababar ku saabsanayaa dowladda wanaagga.

Guddoomiyaha ayaa sheegay shacabka Soomaaliya iyo kan Uganda uu leeyahay xariir soo jireen ah oo labada dhinac ah, iyadoo shacabka u dhaxeyn wax kala duwanaan ah oo hal meel kawa adeegtaan hal meelna wax ka wada cunaan.

Guddoomiyaha ayaa ugu dambeyntii sheegay in dowladda Uganda ay mar walba diyaar u tahay in ay garab istaagto dowladda Soomaaliya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor