Turkiga oo weerar ku qaaday Waqooyiga Suuriya

Ciidamada Turkiga ayaa waxay bilaabeen duulaan ay ku qaadeen Waqooyi bari Suuriya taasi oo horseedaysa in iska hor imaad toos uu dhexmaro xoogaga kurdiyinta ee gacan saarka la leh Mareykanka.

Madaxwaynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in howlgalkan uu yahay “mid lagu abuurayo goob amaan ah ” oo laga nadiifiyay xoogaga kurdiyiinta islamarkana ay goobtaani noqoto mid marti galiso qaxootiga reer Suuriya.

Duulaankan ayay sheegeen kooxda Kurdiyinta in uu sababi doono khasaaro soo gaara dadka rayidka ah.

Ciidamada dhulka ee Turkiga ayaa sidoo kale ilaalo wayn ka haya xuduuda Suuriya iyo Turkiga.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media