HomeWararTurkiga oo War kulul kasoo saaray Qaraxii khasaaraha dhaliyey ee Magaalada Muqdisho

Turkiga oo War kulul kasoo saaray Qaraxii khasaaraha dhaliyey ee Magaalada Muqdisho

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Dowladda Turkiga ayaa si kulul Cambaareeysay qaraxii Is-miidaaminta ahaa ee shalay oo Arbaco aheyd ka dhacay wadada 21-ka Octoober gaar ahaan meel ku dhow Albaabka Xerada Afisyooni ee degmada Waaberi ee Gobolkaan Banaadir. Safaaradda Turkiga ee Muqdisho oo Qoraal kooban ay soo saartay ku sheegtay inay aad uga xun yihiin qaraxii ka dhacay Muqdisho ee […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Dowladda Turkiga ayaa si kulul Cambaareeysay qaraxii Is-miidaaminta ahaa ee shalay oo Arbaco aheyd ka dhacay wadada 21-ka Octoober gaar ahaan meel ku dhow Albaabka Xerada Afisyooni ee degmada Waaberi ee Gobolkaan Banaadir.

Safaaradda Turkiga ee Muqdisho oo Qoraal kooban ay soo saartay ku sheegtay inay aad uga xun yihiin qaraxii ka dhacay Muqdisho ee geystay khasaaro isugu jiray dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad shacab ah oo wadada marayey iyo Askar Ciidan.

- Advertisement -

Turkiga ayaa tacsi u diray qoysaska ehelada dadkii ku geeriyooday qaraxa, iyo dowladda Soomaaliya, iyagoona Caafimaad u rajeeyay dadkii dhaawacyada soo gaareen, waxaana qaraxii dhacay ay ku tilmaameen inuu ahaa mid Argagixisanimo ah.

“Waxaan si adag u cambaareyneynaa falkaas foosha xun ee argagixisanimo, waxaana tacsi u direynaa shacabka iyo dowladda Soomaaliya ee walaalaha ah. Waxaan u rajaynaynaa naxariistii Janno intii ku dhimatay, kuwii ku dhaawacmayna caafimaad degdeg ah ha siiyo” ayaa lagu yiri Qoraalka Safaarada Turkiga.

Ugu dambeyn Safaaradda Turkiga Qoraalka ay soo saartay ayaa waxaa ay kusoo gaba-gabeeyeen inay sii wadi doonaa garab istaagga Soomaaliya ee dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab, waa sida ay hadalka u dhigeen dowladda Turkiga.

- Advertisement -

Ugu yaraan 10 qof oo isugu jiray Askar iyo dad shacab ah ayaa ku geeriyooday qaraxii shalay ka dhacay wadada 21-ka Octoober ee degmada Waaberi, halka 5 qof kalena ay dhaawacmeen, waxaana mas’uuliyada qaraxaas sheegtay Al-shabaab oo bartilmaameedsatay kolonyo ay la socdeen Saraakiil caddaan ah.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts