Turkiga oo War kasoo saaray Qaraxii Is-miidaaminta ahaa ee ka dhacay Muqdisho

Dowladda Turkiga ayaa Cambaareeysay qaraxii Is-miidaaminta ahaa ee Maanta ka dhacay meel ku dhow Madaxtooyadii hore ee Cabdiqaasim ee degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho, kaasi oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac.

War-saxaafadeed kasoo baxay Safaaradda Turkiga ee Muqdisho ayaa waxaa lagu sheegay in aad uga xun yihiin qaraxa looga adeegsaday gaari laga buuxiyey waxyaabaha qarxa ee ka dhacay albaabka hore ee Iskuulka Mucaasir oo ku yaalla degmada Hodan.

Turkiga ayaa tacsi u diray dowladda Soomaaliya iyo qoysaska dadkii ku geeriyooday qaraxii Maanta, iyagoona dadka dhintay Alle uga baryay inuu u naxariisto, waxaana dadka dhaawacmay ay u rajeeyeen Caafimaad Deg-deg ah.

“Waxaan si adag u cambaareyneynaa falkaas argagixisanimada ah, waxaana tacsi u direynaa shacabka iyo dowladda Soomaaliya ee saaxiibada iyo walaalaha ah. Waxaan u rajaynaynaa naxariistii Janno intii ku dhimatay, kuwii ku dhaawacmayna caafimaad degdeg ah ha siiyo” ayaa lagu yiri Qoraalka Safaaradda Turkiga ee Muqdisho.

Dowladda Turkiga ayaa intaas waxaa ay kusii dartay inay sii wadi doonaa garab istaagga dowladda Federalka Soomaaliya ee dagaalka ka dhanka ah waxa loogu argagixisada.

10 ruux ayaa ku geeriyooday qaraxii saaka, halka 17 qof kalena ay ku dhaawacmeen oo ku jiraan Arday, waxaana mas’uuliyadiisa sheegtay Al-shabaab oo tilmaamtay inay la beegsadeen Saraakiil Caddaan ah oo wadada marayey xiligii uu qaraxu dhacayay…

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor