Turkiga oo lagu xiray dad weeraray Qaxootiga Suuryaanka

Boliska Turkiga waxay maanta gacanta ku dhigeen 76 qof oo lala xiriirinayo weerar loo geystay Guryo iyo Goobo Ganacsi oo ay Qaxootiga Suurya leeyihiin.

Ugu yaraan 38 ka mid ah dadka la xiray ayaa la sheegay inay horey diiwaan Dembiyeed u lahaayeen.

Boqolaal Burcad ah ayaa xalay isugu soo baxay Waddooyin ku yaalla magaalladda Ankara, iyagoo weeraray, isla markaana burburiyey goobo Ganacsi oo ay Qaxootiga Suuryaanka lahaayeen.

Shaqaaqadan ayaa timid, kadib, markii Wiil Turkish ah lagu magacaabi jirey Emirhan Yalkin oo 18-jir ahaa lagu dilay dagaal uu la galay Koox Qaxooti ka yimid Suurya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor